header logo2 (1)
logo2 (1)

KASHIFAAD: Sarkaal Brundi ah” Majecli In Somalia Nabad Noqoto, Intaan Gurigayga Ka Dhamaysanayo (DHEGAYSO)

Views :793

Xaafad ka mid ah Bujumbura, caasimadda dalka Burundi, nin Kornayl ah waxa uu ka dhisanayaa guri. Waxa uu dhigay aasaaska guriga, waxa uu taagay jaranjarada iyo darbiyada dibadda, hadda waxa uu hagaajinayaa saqafka guriga.

Dhaqaalaha dalka Burundi waa uu kobcayaa, qiimaha dhulkana wuu mid sare u sii kacaya, Kornaylka waxa uu ka shaqeeyaa waaxda dadweynaha, oo dhowr boqol oo doollar ayaa mushahar ahaan loo siiyaa bil kasta.

Balse kornaylka waxa uu shaqo ka helay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Waxa uuna hadda helaa dhowr kun oo doollar bil kasta.

Kornaylka sida dad kale oo badan oo daryeelka ammaanka Burundi iyo Bariga Afrika waxa uu ka walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya. “Waxaan jeclaan lahaa inaan arko Soomaaliya oo nabad ah,” ayuu kornaylku yiri. “Laakiin ma jecli inay Soomaaliya nabad noqoto ilaa inta aan ka dhammeystirayo dhismaha gurigeyga.”

Dhabtu waxay tahay in xasillooni darrada ka jirta Soomaaliya ay dad iyo dowlado badan ku macaashaan.

Weriyaha jariidadda the Guardian, Afhua Hirsch ee xarunteedu tahay Ghana ayaa la kulantay kornaylka oo magaciisa la qariyay.

HALKAN KA DHEGAYSO COD-KA

comments

ARIMAHA BULSHADA